Nolosha
Degan: Sirta Nolosha Degan & Mid Ujeedo Leh
Ma
dareentaa in noloshaadu ay si degdeg ah ku socoto oo aad ka lumisay farxdadii
iyo deganaantii?
Nolosha
casriga ah waxay nagu khasabtaa inaan mar walba mashquul ahaano. Waxaan ku
tartameyna waqti, waxaan la tacaaleyna shaqo, qoys, bulsho, iyo nolol dhaqaale.
Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay: Goorma ayaad si dhab ah u noolan,
lahayd inaad wax qabato kaliya?
Maxay tahay Slow Living?
“Slow
Living” Waa hab – nololeed ujeedo leh, kaas oo qofku si miyir leh u doorto inuu
hoos u dhigo xawaaraha nolosha. Ma aha inaad wax kasta joojiso – ee waa inaad
doorato nolosha macno leh, degan, iyo mid waxtar u leh naftaada.
Faa’iidooyinka Nolosha Degan:
1.Xasilooni
maskaxeed iyo nafsi ah
2.waayo-aragnimo
qoto dheer leh – halkii ay ka ahaan lahayd mid degdeg ah
3.Waqti
dheeraad ah oo la qaato qoska, naftaada, iyo ilaahaaga
4.Ka
fogaanaya walwalka, strees-ka iyo dareenka guuldarada joogtaada ah
Sidee Loo Bilaaba Slow Living?
. Samee
jadwal degan: Bilow
maalintaada si tartiib ah adigo aan degdegin, u samee routine subaxnimo (salaad,
duco, adkaar subax, Suratu albaqra ) sidokale cuno fudud, iyo nasasho yar.
. Ka
fogow multitasking-ka xad -dhaafka ah: Diirada saar hal hawl wakhti walba.
. Yaree
internet-ka $TV-da:
Waxaa lagu qasbaa inaad is barbar dhigto dadka kale, taaso hoos u dhigta
kalsoonidaada.
. U
mahadnaq waxyaabaha yar yar : Qadari waqtiga aad ilmahaaga la joogto, cuntada aad cuneyso, iyo
qoraxada subaxnimo.
Miyaad diyaar u tahay inaad si dhab ah u
noolaato?
Slow living
ma aha is dhiibid, waa is- xoreyn. Waa inaad doorato in aad ku noolaato si
miyir leh, oo aan adiga lagugu kaxeyn nolol orod ah.
Waxaa laga
yaabaa inaad ogaatid in guusha dhabta ah aysan ku jirin degdeg, ee ay ku jirto
deganaan iyo ujeedo cad.
. Nolol
degan
. Sidee
nolosha loo xasiliyaa
. Slow
living somali
. Nolosha
miyirka leh
. Nolol
ujeedo leh
. Sida loo
noolaado si xasiloon
. Faa’iidooyinka
nolosha degan
0 Comments