Waqtigaagu
Waa Dahab – Sidee Uga Faa’iidaysan Kartaa Maalin Walba?
Waqtiga,
Horumar shaqsiyadeed, maaraynta waqtiga, qorshe maalinle, guul nololeed, dhiirigelin,
wax – soo saar, nafsad dhisid
Hordhac
Ma
dareentay mararka qaar in maalintaada si fudud ku dhaafto adigoo aan wax muhiim
ah qaban? Ma ku fakertay sababta dadka qaar u gaaraan waxyaabo badan 24
sacadood gudaheed, halka qaar Kalena aysan gaarin waxba?
Waqtiga waa
hantida ugu qaalisan ee qof walba leeyahay. Waxa uu la mid yahay dahab –
laakiin farqiga keliya waa in aan la kaydin Karin. sidaa darted, qofka
garaadsan waa midka ka faa’iidaysta waqtigiisa si xikmad leh.
Qaybta 1aad:
Waa maxay waqtiga qiimihiisu?
Su’aal:
Waqtigu muxuu naga rabaa?
Jawaab: Waqtigu
muxuu naga rabaa inaan ka faa’iideysano, aan qorsheyno, oo aan wax ku dhisno
nafteen iyo nolosheena.
Waqtiga waa
nolosha laf dhabarkeeda. Daqiiqad kasta oo lumisa, waxay ka mid tahay
noloshaada oo aad weysay. Waa sababta ay muhiim u tahay inaad si qoto dheer u
qiimeyso saacadahaaga maalin walba.
Qaybta 2aad:
Sidee u bilaabi kartaa ka faa’iidaysiga waqtigaaga?
Halkan
waxaa ku yaal dhowr talo oo wax-ku-ool ah:
1.Samee
liis hawleed ( to-do-list)- Subax kasta qor waxyaabaha aad rabto inaad qabato.
2.Kala
hormari shaqooyinkaaga- ku bilow kuwa muhiim ka ah.
3.Ka fogow
waxyaabaha waqtigaaga cunaya – Sida scrolling badan ee tiktok ama Facebook aan
faa’iido lahayn.
4.Ku dar
nasashooyin yar yar – si maskaxdaadu u hesho firfircooni.
5.Dib u eeg
waxqabadkaaga habeenkii- wixii suurtagal noqday iyo wixi baaqday.
Qaybta
3aad: Maxay yihiin sababaha dadka u lumiyaan waqtiga?
Su’aal:
Maxaa naga dhiga inaan waqtigeena khasarino?
Jawab: Waxaa sabab u ah:
. Qorshe la’aan
. Ka
fakarid badan la’aanta
. Raaxeysiga
xad-dhaafka ah
. Cabsida
guul-daro
. Ku
mashquulid wax aan muhiim ahayn
Marka aad
ogaato sababahaas, waxaad si fudud u hagaajin kartaa noloshaada.
Qaybta
4aad: Maxay tahay faa’iidada waqtigaaga si fiican u maareeya?
. Waxaad
noqonaysaa qof wax – soo- saar leh
. Waxaad
heli doontaa fikir nadiif ah iyo maskax furan
. Waxaad
heli kartaa fursado badan oo shaqo ama horumar ah
. waxaad
dareemi doontaa deganaan nafsaani ah
. waxaad
arki doontaa horumar maalinle ah
Gunaanad:
Waqtigaagu
waa mid mar keliya ku dhaafa. Ma jirto fursad labaad oo aad dib ugu soo celin
karto waqtigii lumay. Maanta waa maalinta ugu fican ee aad noloshaada cusub ku
bilaabi karo.
Ha sugin bari,
ha dhihin “Markaan firaaqo helo” – fursada ugu weyn ee aad haysato waa hada.
Su’aal ku socota Akhristaha:
Adiga side ayaad
hada u maaraysaa waqtigaaga? Ma jiraa wax aad is leedahay waa inaad si degdeg
ah u bedeshaa?
Fikirkaaga
hoos noogu reeb (Comment ).
0 Comments