Noqo Isbedelka
Aad Doonayso Inaad Aragto
Isbedelka nolosha, horumarinta nafta, nolol
cusub, nolol caafimaad leh, isbedal wanaagsan, dhiirigelin nolosha,
In badan oo
naga mid ah waxay nolosha ka sugayaan isbedel – waxaan rabnaa nolol fiican,
fursado dhaqaale, caafimaad, farxad, iyo degnaansho. Laakiin su’aasha dhabta
ahi waa: ma diyaar baa in adigu aad noqoto isbedelkaagaas?
Qof walba
wuu riyoodaa, balse riyo kastaa waxay u baahan tahay ficil. Marka aad rabto in
noloshaada is bedesho, waxa ugu horeeya ee ay tahay inaad fahanto waa: isbedelka
dhabta ah adiga ayuu ka bilaabmaa, ma ahan dunida kugu wareegsan.
. Maxay
Tahay “Noqo Isbedelka Aad Doonayso Inaad Aragto?
Ereyadan
waxaa laga soo qaatay mahatma Gandhi waxa uu doonayay in uu dadka fahamsiiyo in
aysan ku koobnaan hadal iyo rajo kaliya, balse ay muhiim tahay in qof walba
bilaabo ficil uu doonayo inuu ku arko bulshada ama noloshiisa.
Tusaale:
.
Hadii aad rabto bulsho isku duuban – adiga ka bilow naxariis iyo cafis.
. Hadii aad rabto nolol caafimaad leh –
adiga ka bilow cunto caafimaad leh iyo jimcsi.
. Hadii aad rabto inaad noqoto qof
guuleysta – adiga ka bilow dadaal joogto ah iyo barasho joogto ah.
Isbedelku
Waa Geedi Socod
Isbedelka
maaha wax habeen qura kugu dhaca. Waa safar maalinle ah oo u baahan Sabir,
go’aan adag, iyo kalsoonida naftaada.
Waxaa laga
yaabaa inaad caajisto, niyad jabto ama aad dareento in natiijo la’aan jirto,
laakiin xasuuso: Qof walba oo guuleystay, wuxuu maray marxalado adag.
Talooyin
Kuu Sahlaya Inaad Noqoto Isbedelka:
1.Naftaada
Baro inaad mas’uul ka Tahay Noloshaada
Ha u eegin
cid kale: adigu waad awooda inaad noloshaada wax ka bedesho.
2.Ku
Bilow Waxyaabo Yar-Yar
Samee wax
yar maalinkasta: cunto caafimaad leh, hal bog oo quurana ama boog ah , socod 10
qadiiqo, duco subaxnimo.
3.Ka
Fogow Cabsida & Dib u dhaca
Hadii aad
sugto waqtiga ku haboon, laga yaabee inuusan marnaba imaan. Bilow hada – si tartiib
ah, laakiin joogto ah,
4.Ku
Wareeji Naftaada Dad Wanaagsan
Dadku waa
saameyn. Ku hareeree naftaada kuwa kugu dhiirigeliya inaad horumar sameyso.
5.Ku
xidhnow ILaahay
ISbedelka
runta ah wuxuu bilaabmaa marka qalbigaagu xasilo, rumeysanaanta Rabigaaguna xoog
leedahay.
Gunaanad
Noqo
isbedelka aad doonayso inaad aragto. HA sugin qof kale. Adigu bilow. Adigu bedel.
Adigu iftiimi. Dunida waxay u baahan tahay qofyo la mid ah adiga – kuwa go’aansada
in aysan la qabsan dhibka, balse ay bedelaan.
Isbedelka
wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa adiga!
#isbedel
#nilildican
0 Comments