Make TheMost Of Your Life – 5 Habits That Can change Everything
Cimrigaaga
Si Faa’iido Leh U Maamul 5 Qodob Oo
Noloshaada Bedeli Kara
Nolosha
wanaagsan, horumar nololeed, maamulka waqtiga, caadooyin wanaagsan, nolol
caafimaad leh, dabeecado guul keeno
Ma ogtahay
in noloshaada manta ay si buuxda isku bedeli karto hadii aad bilowdo dhowr
caado oo fudud oo aad maalin kasta ku celiso? Nolosha wanaagsan laguma gaaro
maalmo farxad ah oo isku xigta, balse waxaa lagu gaaraa caqli, dadaal iyo
caadooyin wanaagsan oo joogto ah. Qormadan waxa aan ku barayaa 5 dabeecadood oo
sahlan balse kuu horseedi kara guul, xasilooni iyo farxad nololeed.
1.Subax
Walba Si niyad Fiican U Tioos
Sida aad u
bilowdo maalintaada ayaa go’aamin karta sida ay maalintaada u dhamaanayso. Subax
qurux badan oo ay ku jiraan biyo cabid, akhrinta maalinta waxay kaa caawinaysaa
inaad si habsami leh u maareyso waqtigaaga.
Talo: Samee
subax kasta “routine” fudud, sida toosid, is dajin, niyad dhis, iyo qorshayn.
2.Yaree
Buuqa Maskaxda – Isku Day Xasilooni
Qof walba
buuq ayuu la kulma – laakiin adiga ayaa dooran kara inaad qalbigaaga dajiso.
Inaad naftaada u ogolaato dhowr daqiiqo oo aamusan waxay kaa caawinaysaa inaad
si qoto dheer u fikirto oo aad xaaladaha u wajahdo si xikmad leh.
Talo:
Maalin kasta waqtigaaga u qoondee akhris, duco iyo fikir degan.
3.Ha U
Ogolaan Maalintu Inay Adiga Kuu Taliso
Maalin
walba 24 saac ayaa lagu wada leeyahay, farqiga waa sida loo isticmaalo. Hadii
aadan lahayn qorshe, waxaad ku dhamaanaysaa inaad ka seexato fursado badan.
Talo:
Maalin walba qor 3 hawlood oo muhiim ah inaad qabato si aad u dareento wax
qabad iyo horumar.
4.Naftaada
Daryeel – Caafimaad iyo Nadiifnimo
Ma ahan
inaad keliya muuqaal ahaan nadiif noqoto, balse waa inaad si qoto dheer u
daryeeshaa naftaada. Cunto caafimaad leh, biyo badan, hurdada haboon, iyo
nadaafad joogto ah waa furaha maskax furan iyo jir caafimaad qaba.
Talo:
Naftaada ula dhaqmo sida qof qaaliga kuu ah – daryeel iyo ixtiraam.
5.Naftaada
Rumayso – Waad Awoodaa!
Guusha kama
bilaabato meel sare, waxay ka timaadaa kalsoni, rumayn naftaada iyo dadaal
joogto ah.Hadii aad wado juhdiga, guusha waa mid lagugu balan qaaday.
Talo:
Habeen walba dib u miiciso waxa aad qabatay – xitaa guulaha yaryar waa mudan in
la xuso.
Gunaanad.
Noloshaada
adiga ayaa gacanta ku haya. Maalin kasta waa fursad cusub. Qof kasta wuu gaari
karaa horumar hadii uu bilaabo caadooyin wanaagsan oo maalin kasta u uku celiyo.
Hada bilow! U noqo naftaada saxiib, waqtigaaga xafid, oo noloshaada u samee
qiimo iyo qorshe.
. Nolosha
Wanaagsan
. Maamulka
waqtiga
. Horumarka
nafta
. Caadoyin
wanaagsan
. Nolol
cafimaad leh
.
KAlsoonida nafta
. Horumar
joogto ah
0 Comments