“7 DailyHabits That Can Transform Your Life”
7 Caado
Maalinle ah Oo Noloshaada Bedeli Kara
Nolol
maalmeed, caadooyin wanaagsan, horumar nafeed, isbedel nolosha, caadooyin
guusha, waqtiga maaraynta, isdaryeel
Noloshu waa
isku xirnaan caadoooyin yaryar oo maalin kasta aan ku celcelino. Waxaad u
baahan tahay inaad bedesho waxyaabaha aad si joogto ah u samayso. Qormadaan
waxan kaa caawin doontaa inaad fahamto 7 caado maalinle ah oo noloshaada bedeli
kara hadii aad si daacad ah u raacdo
1.U Toos
Waqti Hore Subax Kasta
Caadada ugu
fican ee guuleystayaasha waxay tahay
iney si joogto ah u toosaan waqti hore. Subaxda hore waa waqtiga maskaxdaadu
ay tahay mid degan, fekerkaagu fayoow yahay, wax qabadkuna sareeyo.
Subax hore, toosista subaxda, maareynta
waqtiga
2.Samee
Liiska Waxqabadka
Marka aad
qorto waxyaabha muhiimka ah ee aad rabto inaad qabato maalintaas, waxaad heshaa
jihayn iyo firfircooni. Liiska waxqabadka wuxuu kaa caawinayaa inaad wax badan
qabato adigoon waqti iska lumin.
Qorsheyn maalmeed, maaraynta nolosha, wax
qabad
3.Akhri
Buug ama Maqal Maalin Kasta
Xitaa hadii
ay tahay 10 daqiiqo oo kaliya, akhrinta ama dhegaysiga buugaagta faa’iidada leh
waxay kobcisaa maskaxdaada. Waxay kuu furta feker cusub, waxayna kaa caawisaa
horumarinta naftaada.
Akhris maalinle ah, koritaanka maskaxda,
horumar nafeed
4.Samee
Jimicsi Fudud
Jimicsiga
subax walba xita hadii uu yahay 10 daqiiqo socod ah, wuxuu kordhiyaa
tamartaada, nasiiyaa jirkaaga, wuxuuna hagaajiyaa caafimadkaaga guud.
5.Biyo
Badan Cab Maalin Kasta
Biyuhu waa
nolosha. Cabitaanka biyo badan wuxuu hagaajiyaa shaqada jirkaaga, wuxuu
nadiifiyaa suntan jirka, wuxuuna kor u qaadaa tamartaada.
Cabitaanka biyo, caafimaadka, caadooyin
caafimaad leh
6.Ka
Fakar waxyaabaha Wanaagsan
Qofka rajo leh,
maskax furan leh, wuxu leeyahay awood uu kaga adkaado dhibaatooyinka nolosha.
Maalin kasta isku xasuusi waxyaabaha wanaagsan noloshaada ka jira.
Feker togan, rajo, niyad wanaag
7.Is xisaabi Habeen Kasta
Marka uu
dhamaado maalinta, fadhiso oo is weydii: Maxaan qabtay? Maxaan bartay? Maxaan
seegay? Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si fican u horumarto maalin kasta.
Xisaabin, is qiimeyn, horumar nafeed
Gunaanad:
Horumarku
ma yimaado hal mar. wuxuu yimaadaa marka aad si joogto ah u samayso caadoyin
yar yar oo fican. Waxaad noqon kartaa qofka aad rabto inaad noqoto hadii aad manta
bilowdo inaad bedesho waxyaabaha maalin kasta aad samayso.
Xasuusnoow: Maalin kasta waa fursad cusub.
Bilow manta – noloshaada cusubna ha bilaabto hada!
0 Comments