LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

“Small Habits That Build Your Future”

 



Caadooyin Yar Yar Ee Dhisaaya Mustaqbalkaaga

Mustaqbal wanaagsan, caadooyin maalinle ah, horumar nololeed, nolol wanaagsan, isbedel nafteed, kobaca nafta hamiga nolosha, horumar joogto ah

 

Ma ogtahay in caadooyinka yaryar ee aad manta samayso ay yihiin dhismaha mustaqbalkaaga?

Dad badan waxay u maleynayaan in guusha ama horumarka weyn lagu gaaro hal talaabo oo weyn. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay: noloshaada burrito waxaa dhisaya waxyaabaha yaryar ee aad manta si joogto ah u sameyso.

Caado yar oo wanaagsan oo aad maalin walba la timaado waxay yeelan kartaa saameyn xoog leh mudo dheer kadib

1.Qor Yoolkaaga Maalin Walba

Maalin kasta qoro 1-3 waxyaabood oo muhiim ah oo aad rabto inaad qabto. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad u jeedsato meel cad, waqtigana aad si wanaagsan u maamusho.

  Caado: Subax kasta qor waxa aad manta rabto inaad gaarto.

Faa’iido: Waxay xoojisaa xasuusta, dadaalka, iyo dareenka guusha.

 

2.Akhri 10 Daqiiqo Maalin Walba

Ma jiro qof guulaysta oo aan wax akhrin. Akhriska yar ee maalinlaha ah wuxuu kobciyaa fikirkaaga, kalsoonidaada iyo fahmkaaga.

  Caado: Akhri maqaal buug, ama kububta aad jeceshahay 10 daqiiqo subax walba.

Faa’iido: Waxay yaraysaa walbahaarka, waxayna kor u qaadaa farxada nolosha.

 

4. U Jiheey Maskaxdaada Sida Aad Jeceshahay

Fikirka togan (Positive thinking) waa furaha guusha. Marka aad si wanaagsan wax u aragto, xalka ayaad arkeysa halkii aad dhibaato ka arki lahayd.

 

  Caado: subax kasta dhaho kalmad togan sida

“Maanta waxaan noqonayaa mid wax fiican Sameeya.”

Faa’iido: Waxaad gaari doontaa wax badan adigoo waqtigaaga si caqli leh u maareeya.

 

6.Jimicsi Fudud Oo Maalinle Ah

Jirkaaga oo firfircoon wuxuu keenayaa maskax  firfircoon. Jimicsiga ma aha oo keliya caafimaadka. Wuxuu sidoo kale hagaajiyaa niyada

 

  Caado: soco 15 daqqiiqo, jimicsi samee, ama si fudud u dhaqaaq

Faa’iido: waxay yareysaa walbahaarka, waxayna xoojisaa niyada.

 


7.Ka Fogoow Qofka iyo Fikirka Kuu Jidya Hoos

Hadii aad doonaeyso mustaqbal wanaagsan, waa inaad iska ilaalisaa dadka niyad-jabka leh iyo fikirka xun.

 

  Caado: Xulo dadka kaa caawiya inaad sare u kacdo, kana fogow kuwa raba inaad meel joogto.

Faa’iido: Waxaad yeelan doontaa degaan togan iyo maskax xoog leh

 

Gunaanad

Maanta Caado Yaray Samee, Berrina Natiijadeeda Arag

Waxaa la yiraahda: “ Caadoyinka waxay dhisaan qofka, qofkuna wuxuu dhisaa mustaqbalka.  Sidaa darted, ha yareysan wax yar- maalin walba taalaabo yar hore u qaad. Xitaa 1% horumar ah maalin kasta wuxuu kuu dhisi karaa isbedel weyn muddo kadib

 

Su’aal: Maanta caadee intee le’eg ayaad la timaaday si aad u dhisto barito ka fican manta?

 

Post a Comment

0 Comments