7 Daily Habits That Can Transform Your Life- One Day a Time
7 Caado
Maalinle ah Oo Noloshaada Isbedel Weyn Ku Keeni Kara – Maalin Maalin Uun
Isbedelka
nolosha ma ahan wax hal mar dhaca. Waa safar yar-yar talaabo ah. Mararka qaar
waxaad dareemeysaa in noloshaadu taagan tahay, aysan jirin wax horumar ah.
Laakiin runtu waxay tahay: Caadooyin yar-yar oo maalinle ah ayaa si tartiib ah
noloshaada u bedeli kara – jidh ahaan, maskax ahaan iyo ruux ahaan.
Halkan
waxaan kuugu soo diyaarinay 7 caado oo fudud, laakin wax weyn ka bedeli kara
noloshaada hadii si joogto ah loo sameeyo.
1.Toos Xili
hore oo qoraxda hore arag
Markaad
subax hore toosto, waxaad leedahay wakhti badan oo aad maskaxdaada dajiso,
waxaadna ka fogaataa buuqa iyo mashquulka dambe. Subax hore waxay kuu tahay
bilow nadiif ah.
“Qofka Subaxdiisa hagaajiya, maalintiisa ayuu
hagaajiyaa.”
2.Cab Biyo
Markaad Toosto
Jirka biyo
ayuu u baahan yahay sii uu u shaqeeyo. Marka aad hurdo kasoo kacdo, jirkaaga
wuu qalalan yhay. Biyo cabida subadii waxay kor u qaadaa tamartaada, waxayna
nadiifisaa jirkaaga.
3.Qorshee Maalintaada
15 daqiiqo gudahood
Ha u
ogolaan maalinta inay si random ah ku dhaafto. Qor waxyaabaha muhiimka ah ee
aad rabto inaad qabato. Qorshe yar wuxuu kaa caawinayaa inaad dareento
xasilooni iyo lafa -gur noloshaada ah.
4.Samee Hal
Wax-Soo-Saar Maalintii – Xitaa Mid Yar
Maalin
kasta samee wax wax-tar leh: qoraal yar, nadiifin meel, cashar dhagayso, am a
wax cusub baro. Tani waxay kaa dhigaysaa inaad horumar dareento.
5.Akhri ama
Dhagayso Wax Dhiirigelinaya
Maskaxdaada
ku quudi wax wanaagsan: motivational, aqoon, Qur’aan, ama cilmiga aad
jeceshahay. Maskaxda waxay la mid tahay beer – waxa aad ku beerto ayay kuu soo
saartaa.
6.Nadiifi
Meel Yar Maalin Walba
Nadiifinta
joogtada ah waxay keentaa deganaansho maskaxeed. Ma aha in guriga oo dhan la
nadiifiyo hal mar, laakiin hal mee loo yar maalin walba nadiifi – waxaad dareemi
doontaa isbedel muuqda.
7. Dib U Milicso
Maalintaada Kahor Intaadan Seexan
Is weydii:
maxaan manta saxay? Maxaan qaldamay? Maxaan baranaya? Waxaana ilaahay weydisata
cafis iyo danbiidhaaf
Gunaanad
Caadooyinkani
ma ahan kuwo adag ama waqti badan u baahan. Laakiin hadii si joogto ah aad u
samayso, waxay isbedel weyn ku keeni doonaan maskaxdaada, noloshaada iyo
xiriirkaaga aadane iyo kan ilahay kala
dhaxeeya.
“Nolosha wanaagsan waa natiijada caadooyin
wanagsan.”
0 Comments