“Disappointments Allah’s Way Preparing You For Something Better.”
“ Niyad
Jabku Waa Nidaamka Illahay Kuugu Diyaarinaayo Wanaag.”
Noloshu mar
walba si siman uma socoto. Waxaa jira waqtiyo qofku dareemayo daal, jab, niyad
xumo iyo weliba inuu yahay qof nasiib xun. Waqtigaas, waxaad moodaa in dhamaan
albaabadii nolosha la xiray, riyadaadii burburtay, dadka aad ku tiirsanayd kaa
tageen, iyo adigoo naftaada la hadlay “Maxaa khaldamay?”.
Niyad Jab
– Waa Bilowga Barwaaqada
Waa run,
niyad jabku wuu xanuun badan yahay. Laakiin hadii aad u sabuurto ama si qoto
dheer u fikirto, waxaad arkaysaa in niyad jabyadu aysan u fikirto, waxaad arkaysaa
in niyad jabyadu aysan marna iman adigoon sabab la’aan ahayn. Mararka qaar
ilaahay wuu kaa hor istaagaa wax aad jeclays, si uu kuu siiyo wax aad u baahan
tahay.
Waxaa laga
yaabaa inaad waayi lahayd shaqo, qof, fursad ama qorshe aad jeceshahay –
Laakiin dhamaan intaas waxay noqon karaan xididada guushaada.
Ilaahay
Wuxuu Yaqaan Waxa Aadan Garanayn
Qof kasta
wuxuu leeyahay qorshe, laakiin qorshaha Ilaahay aya ka fiican midkeena. Marka
aad dareento in noloshu kaa dhacday, waxaa laga yaabaa in Ilaahay uu kuu wado
wado kale oo aad ku hanan doonto riyooyin waaweyn.
“Waxaa laga yaabaa inaad nacdo wax, balse
Ilaahay uu kuu dareemayo kheyr weyn.”
(Quraanka kariimka ah – Suuratul Baqarah:
Ayada 216)
Niyad Jabku
Waa Cashar, Maaha Cunaqabateyn
Markaad jabto,
waxaad baranaysaa:
. Inaad ka
feejignaato khaladaad hore
. Inaad
naftaada si fiican u barato
. Inaad laabta u furto isbedelka
. Inaad
dareento awooda ilaahay baratona in wax
walba qadarka ale ah lagu sabuuro
Jabka
dhabta ah waa marka aad quusato, laakiin hadii aad weli leedahay rajo, ducayso,
oo aad hore u socoto – waxaad ku jirtaa wadadii wanaaga.
Soo Kac!
Waqtigaagu Wuu Imaanayaa
Ha u arkin
jabka manta inuu yahay dhamaadka noloshaada. Waxaa laga yaabaa in berri ay
noloshaadu si bedesho gebi ahaanteed. Waxaa dhici karta in aad noqoto qof xoog
badan, dareen leh kalsooni leh oo riyada gaara.
Dhibata manta waxay noqon kartaa sababta
aad ugu faraxdo berri.
Niyad jab, rajada nolosha, qoraallo dhiirigelin
ah, guusha nolosha, blog motivation af Somaali ah, nolol iyo rajo, side u
adkaysataa
Gunaanad
Akhrisatayashayda
qiimaha badanow hadii aad manta dareemeyso niyad jab ama murugo, ha quusan.
Waxaa laga yaabaa inaad hada ku jirto nidaamka Ilaahay kuugu diyaarinayo
wanaag, farxad, iyo guul aanad fileyn.
Sii wad
socodka – xitaa tartiib tartiib – Ilaahay wuu kuu diyaariyay sabab aad
ugu faraxdo Inshaa Allaah
0 Comments