LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Everyone Starts somewhere. You Have The Power To Grow and Rise.

 



Qof Walba Wuu Ka Bilaabaa Meel Hoose- Adiguna Waad Kori Kartaa!

 

Ma ogtahay in guushu aysan imaanin hal habeen gudihii? Ma is weysiisay sababta dad badan ugu bilaabaan meel hoose balse ugu dambeyn gaaraan meel sare?

 

Dadka manta aduunka laga yaqaan guulahooda, badankood waxay ka so mareen xaalado adag, duruufo liita, iyo meelo ay quus dareemeen. Laakiin hal shay ayaa mideeyay dhamaan: Ma aysan joojin dadaalkooda, mana aysan is dhiibin.

Furaha Guusha: Dulqaad+Dadaal joogto ah

 

Waa run in bilowgu uu noqon karo mid adag—laga yaabee in aadan lahyn qalab ku filan, taageero laguu hayo ama fursado badan. Laakiin waxa aad haysato waa naftaada, riyadaada, iyo niyaa=daada. Marka aad naftaada amiinto, aad talaabo yar ku bilowdo, waxaad la yaabi doontaa sida aad ugu socon karto horumar joogto ah.

 

Everyone starts somewhere. You have the power to grow and rise

Qoraalkan wuxuu xasuusinayaa in bilow kasta oo yar uu noqon karo albaabka guul weyn. Waxaa laga yaabaa inaad hada wax badan haysan, laakiin hadii aad bilowdo manta—maalin kasta waxaad dhiseysaa naftaada iyo mustaqbalkaaga.

 


Maxaad manta ku bilaabi kartaa si aad berito uga duwan tahay?

.  Bilow inaad akhrido maalin kasta xitaa hal bog

. Bilow inaad naftaada dhiirigeliso halkii aad is dhaliili lahayd

. Bilow inaad barato xirfad cusub

. Bilow inaad abuurto caadoyin wanaagsan

 

Xasuusnow: Horumar kasta waa la dhisaa, lama helin

Dadka guulaystay ma ahayn kuwo nasiib leh oo keliya, ee waa kuwo aan is dhiibin. Waxay ogaayeen, in maalmaha adag aysan micnaheedu ahyn in ay guuldareysteen. Adiguna waad awooday inaad kor u kacdo—kaliya bilow.

Bilow cusub, horumar nafta, guusha nolosha, dadaal joogto ah, dhiirigelin, mustaqbal dhisid, caadooyin wanaagsan, qof walba meel buu ka bilaabaa

Wax walba oo manta aad meel hoose ka bilowdo adigoo aminaada ilahay iyo niyad samaan ku daraya kuna celcelinaya inadan bilowga adan jojin oo jogtayn la timaado wa huubaal in uu guul ku danbaynaayo

Post a Comment

0 Comments