5 Caado Yar
Oo Noloshaada Si weyn U Bedeli Karta
Ma is
weydiisay sababta dad gaar ah ugu muuqdaan kuwo faraxsan, abaabulan, oo guul
gaaray- xitaa hadii ay noloshoodu caadi u eg tahay?
Waa maxay
sirtooda? Ma jiraan wax yaab leh. Waxa ay haystaan waa cadooyin yar yar oo ay si
joogto ah u qabtaan—Kuwaas oo noloshooda ka dhigay mid la yaab leh.
Adiguna
waad noqon kartaa sidaas.
Halkan
waxaan kuugu soo gudbinayaa 5 caado oo fudud, laakiin saameyn weyn ku yeelan
kara maskaxdaada, caafimaadkaaga, iyo mustaqbalkaaga.
1.U Toosida
waqti Joogto ah
Ma ogtahay
in dadka guulaysta intooda badan ay toosaan isla saacad go’an maalin kasta?
Waqti kicitaan go’an wuxuu kaa dhigayaa qof abaabulan, maskax furan, oo
maalinta si wanaagsan u wajahaya.
Joogtayntu waxay toosisaha malintada iyo
jadwalkaga
2.Cabida Biyo Isla Marka Aad Toosto ama Aad kacdo
Biyo cabida
subax, waxay nadiifisaa jidhkaaga, waxay kicisaa maskaxda, waxayna kaa dhigtaa
mid firfircoon,
Qofka
bilowda subaxdiisa biyo ku nadiifinaya- wuxuu jidhkiisa si fican ugu
diyaarinayaa hawl maalmeedka.
Bilaaw: 1 koob oo biyo ah isla marka aad
isha kala qaado
3.Qorista 3
waxyaabood Oo aad Maanta Qabanayso Oo Cibaadadu ugu wayntahay
Waa maxay
qorshahaaga manta?
Ma leedahay
liis waxqabad ? mise maalintaada si kedis ah ayey ku dhaaftaa?
Qorista fudud
waxay kaa dhigaysaa mid la socoda noloshiisa oo aan waqti lumin.
Tuusaale 1.
Ka shaqee shaqadada kowada 2. Socod 10 daqiiqo ah, 3. La xiriir saaxiib ama waliidka muhiim ku ah
4.Inaad
Ilaahay Xasuusato subax Kasta
Nolosha
dhabta ah waa mid ruuxi ah. Inaad subax kasta xasuusato ilahay – uu xamdi naqdo
ducaysato istiqfaarta kudadaasho quraan akhrisato saliga nabiga laasinto sidookale
aad naftaada la hadasho – waxay kugu beertaa nabad, kalsooni, barako.
Nolosha ugu
quruxda badan waa tan ilahay xuskiisa ku bilaabata
5.Socod Yar
Maalin Kasta
Caafimaadka
jirka iyo maskaxda labaduba waxay u baahan yihiin dhaqadhaqaaq.
Socod 10-15
daqiiqo ah oo maalin kasta ah wuxuu hoos u dhiga welwelka, wuxuu kordhiyaa
firfircoonida, wuxuuna maskaxda ka saaraa culayska.
Ku bilow 10 daqiiqo oo socod ah—si degan,
naftaada la sheekeyso.
Gunaanad
Is waydii
Maxaan manta bilaabi karaa?
Ma jiro
isbedel weyn oo si lama filaan ah u dhaca. Guusha waxay ku timaadaa talaabooyin
yaryar, laakiin joogto ah.
Maanta
midkee ayaad bilaabi doontaa? Mid kaliya ka dooro, kuna dhaqaaq.
Waxaad arki
doontaa noloshaada oo is bedeleysa
n Bilowgeeduna waa manta.
. Caadooyin
nolosha bedela
. Sidee
nolosha loo hagaajiyaa
. Dhiiri
gelin iyo horumar
. Talooyin
nolosha wanaagsan
. Caadoyin
wanaagsan
0 Comments