LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

“Believe In Yourself Even When No One Else Does”

 



 

Naftaada amin Xitaa Hadii Cid kale Kuu Rumeeysaneyn

Maqaal Dhiriigelin ah oo loogu talagalay qof walba oo rabo horumar iyo isbedel nolosha ah

 

Inaad naftaada aamiinto waa talaabada ugu horeysa ee guusha. Qof walba noloshiisa mar ayuu dareemaa in dadku uusan rumeysanyn, xitaa kuwa aadka ugu dhow. Laakiin maxaa dhici kara hadii aad is aaminto oo aad wadaadan u gasho si kalsooni leh?

 

1.Waa maxay sababta aad isugu kalsoonaan lahyd?

Naftaada aad ayey u leedahay qiimo. Waxaa laga yaabaa in aadan wali gaarin meel aad ku faanto, laakiin waxaad leedahy awood qarsoon oo sugaysa in la isticmaalo. Dadku way kaa shaki karaan, laakiin marka aad is – aaminto, waxaad bilowdaa inaad ka guuleysato cabsidaada.

 

  Naftaada aamin, is aamiinaad, kalsooni

2.Guuluhu Kama Timaado Banaanka, waxay ka bilowdaan gudahaaga

Marka aad naftaada ku tiraahdo “ waan awooda”, waxaad bilowday safarka horumarka. Ma jirto qof kaa garan kara waxaad ku riyootay, mana jiro cid sidaad oo kale u dareemaysa muhiimada hamigaaga. Riyooyinka run bay noqon karaan marka aad rumeyso in adiga laftaadu u qalanto

 

   Guul, riyooyin, horumar

 


3. Dadka ha kuu noqon caqabad, ha kuu noqon cabsi

Qaar baa oran doona “ maad iska dhafto” kuwa Kalena waxay kaa dhigi doonaan mid iska shakiso . Waa inaad ogaataa in dadkaasi aysan ahayn kuwa go’aaminaya mustaqbalkaaga. Waxaa muhiim ah in kalsoonida naftaada ay ka sareyso hadalada dadka kale.

  

    Dhiirigelin, kalsooni, naftaada aamin

4.Marna ha sugin in dadka oo dhan kuu sacbiyaan

Hadii aad sugto in dadka oo dhan kuu rumeeyaan, waxaad waayi doontaa fursado badan. Tariikhda dadka guuleystay waxaa ka buuxa tusaalooyin ay dadku ka shakiyeen, laakiin iyagu ma aysan joojin. Adiguna sidaas oo kale samee.

 

     Dhiirigelin, guul, horumar

 

5.Maxaad sameyn kartaa manta?

Qoraal yar qoro, fikirkaaga qoro, wax cusub baro talaabo yar qaad…. Waxaa laga yaabaa in aadan wax badan samyn hal mar, laakiin tallaabo kasta oo yar waa horumar. Naftaada aamin manta, berrina waxaad arki doontaa isbedel dhab ah.

 

        Isbedel, horumar, dadaal

 

Gunaanad

Naftaada Aamin, Guushu wey Imaan Doontaa

Ha u baahnaan qof kale oo kuu rumeeya si aad u horumarto. Guusha waxay bilaabataa marka aad naftaada aamin ku qabto, marka aad ogtahay in riyadaadu ay muhiim tahy. U dhaqaaq si kalsooni leh, Allena ku tiirsanow. Maanta waa maalintaada waxaad noqon kartaa qofka aad mar walba rabtay inaad noqoto.

 

      . Naftaada aamin

      . Is aaminaad

      . Guul

      . Horumar

      . Kalsooni

      . Dhiirigelin

      . Riyooyinka

      . Is bedel

  

 

    

 

Post a Comment

0 Comments