Maalin
Walba Waa Fursad Cusub- Qalbi Cusub Ku Bilow Maanta
Fursad
cusub,nolol wanaagsan, dhiirigelin maalinle ah, horumar nolosha, isbedel nolol
qurux badan, kalsooni, maskax guleed, dadaal, maalin cusub
Maalin
kasto oo cadceedu soo baxdo waa fursad cusub oo noloshaada wax laga bedeli
karo. Waa bog cusub oo noloshaada ka mid ah oo aad adigu qorayso. Waxa dhacay
shalay—farxad ama murugo—Waa dhamaaday.waxa muhiim ah waa waxaad manta samyn
karo.
Inaad u
kacdo subax walba adigoo raj leh waxay muujinaysaa inaad weli hayso fursad aad
ilahay u mahadceliso naftaada u wanaajiso, fursad aad u cafido, aad wax ku
barato, aad hamigaaga u dhaqaajiso. Maalin walba waa rajo cusub.
1.Maalinta Cusub
waa Bilow Cusub
Qof walba
wuxuu noloshiisa ku leeyahay bogag mugdi ah. Waxaa dhici karta in aad samaysay
qalad, in aad lumisay fursad ama la kulantay dhibaato. Laakin maalin cusub
micnaheedu waa bog cusub—mid aad adigu buuxin karto. Sidaad shalay wax u weyday
ama ugu guul-dareysatay, manta waa fursadaada inaad isku daydo mar kale.
“Marnaba ma
adkaanayso inaad bilowdo mar kale, sababtoo ah maalin walba waa bilaabasho
cusub.”
2.Fursadaha
Ma Sugaan Qof Daalan-U Kac Oo Raadso
Fursadaha
ma yimaadaan adigoo sugaya, fursadu waxay timaadaa marka aad diyaar u tahay
inaad wax ka qabto. Maanta, hadii aad go’aansato inaad wax baranayso, ganacsi
bilaabayso, caafimaadkaaga daryeelayso, ama xiirirkaaga hagaajinayso- Waxa aad
bilaabayso waxay yeelan karaan saameyn weyn noloshaada.
Ma rabtaa
nolol ka wanaagsan tan aad hada ku nooshahay? Ku bilow manta.
3.Maalintaada
Waxa Lagu Maamulaa Maskaxdaada
Maalin
wanaagsan micnaheedu ma aha in wax walbasi toos ah kuugu dhaceen, ee micnaheedu
waa in aad dooratay inaad si wanaagsan uga falceliso wax kasta oo kugu yimaada.mar
walbana xamdiga ilahay aad badiso
Hadii aad
subaxda ku toosto niyad wanaagsan, adigoo leh maskax guuleed leh, waxaad u
badan tahay inaad maalin wanaagsan yeelan doonto.Marka ha sugin in wax walba
kuu hagaagaan si aad u faraxdo- adigu bilow inaad maalin walba farxad ku
noolaato. Oo ilahay ad kheeyr ka fiisho mar walba iyo maalin walba
4.Maanta
Waa Wakhti Aad Isbedel Ku Bilaabi Karto
Wax kasta
oo aad sugaysay “waqtiga saxda ah”- maantaan ayaa laga yaabaa inuu yahay
waqtigaas. Ku bilow niyad ah:
. Maanta
waxaan bilaabayaa jimicsi
. Maanta
waxaan bilaabayaa akhriska bug wanaagsan
. Maanta waxaan iska cafinayaa qofkii I dhaawacay
. Maanta
waxaan diyaarinayaa qorshahayga guusha
Isbedel
weyn wuxuu ka bilaabmaa go’aan yar oo maalinle ah.
5.Ma Jirto
Cid Kale Fursadaada Kuu Maaraynaysa
Qofna ma
noqon karo sababta aad u faraxsantahay hadii aad adigu go’aansan weydo.
Noloshaada adiga ayaa masuul ka ah. Maalin walba waa fursad aad ku noqon karto
qofka aad riyoonaysay. Waa fursad aad uga tagi karto caqabadaha, fikirka xun,
dadka niyad-jabka leh—si aad ugu socoto yoolkaaga.
“Hadii aad
sugayso cid kale inay noloshaada hagaajiso, waxaad sugaysaa wax aan imaanayn.”
Gunaanad
Maanta
Waxaad Haysataa Fursad—Ha dayicin
Ha ku
noolaan fikirka shalay, ha ku seexan baqdiinta beri—Ku nolow manta. Waa fursad
qaali ah, Hadii aad manta niyada saxda ah la kacdo, waxaad dhisi kartaa nolol
qurux badan berito. Waa bilow xusub. Waa bog cusub. Adigaa qori u haysata.
Su’aal:
Maxaad manta naftaada u qaban doontaa si aad uga dhigtid berri mid ifaya?
0 Comments