LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

5 Reasons Why You Need Some Me-Time Every Day

 



 

5 Sababood Oo Aad U Baahan Tahay Waqti Adiga Kuu Gaar Ah (Me-Time)


Waqti adigu kuu gaar ah, nasasho nafsadeed, nolol cafiimad qabta, xasilooni maskaxeed, waqti naftaada la qaado

 

Waqtiga casriga ah ee aynu ku noolnahay, waxaa si joogto ah isugu xiga shaqo, culays nololeed, iyo mashquul aan dhamaan. Waxaa laga yaabaa in maalintaada oo dhan aad ku bixiso u adeegida dadkale – ilmahaaga, qoyskaaga, shaqadaada, iyo saaxiibadaada. Laakiin su’aasha muhiimka ah waa: Goorma ayaad waqti siisay naftaada? Waa muhiim inaad si joogto ah u heshid waqti adiga kuu gaar ah (Me Time) Si aad u daryeesho caafimaadkaaga maskaxeed iyo jidheedba. Maqaalkan, waxaan ku falanqeyn doonaa 5 sababood oo muhiim ah oo aad uga bahantahay waqtiga adiga kuu gaar ah.

 

1.Si Aad U Hesho Xasilooni Maskaxeed

Markaad waqti naftaada siisid, waxaad siisaa fursad maskaxdaada inay nasato. Mashquulka nolosha ayaa keeni kara walwal, jahawareer, iyo niyad jab. Laakiin marka aad maalintiina ku darsato waqti daganaan ah, waxaad dareemaysaa in maskaxdu ay dib u hagaagto , fikirkaaguna uu sii cadaado. Waqtigan waxaad u adeegsan kartaa inaad fikirto, aad ducaysato, ama aad bug akhtirisato.

Xasilooni maskaxeed

2.Waxay Kordhisa Kalsoonida Nafta

Waqtiga aad naftaada la qaadato wuxuu kaa caawinayaa inaad si fiican u fahanto qofka aad tahay, waxaad jeceshahay, iyo waxaad  u baahahan tahay. Marka aad bilowdo inaad la qabsato kelinimada wanaagsan, waxaadna barataa inaad naftaada  qiimayso adigoon ku xirnayn ogoolaanshaha dadka kale.

Kalsoonida nafta, naftaada baro

 

3.Waxay Kaa Caawisaa Inaad Gaarto Hafkaaga

Marka qaar marka aynu mashul nahay, waxaan hilmaana waxa muhiimka inoo ah. Waqtiga Me-Time-ka ah waxaad uga faa’iideysan kartaa inaad dib u eegto riyooyinkaaga, sameysato qorshe nololeed, ama aad qorto hadafyada cusub. Qofka is xasuusiya halka uu rabo inu gaaro ayaa si wanagsan u socon kara.

Qorshe nololeed, hadaf nololeed

 


4.Waxay Jirkaaga Iyo MAskaxdaada Siisaa Nasasho Dhab ah

Me-Time kama hadlayno oo kaliya fikir laakiin sidoo kale ma qaban karo. Waqtiga naftaada u go’an waxaad ku seexan kartaa, sameyn kartaa jimicsi fudud, ama kaliya waqti u qaadan kartaa inaad iska aamusnaato. Jirka iyo maskaxduba waxay u baahan yihiin tamar si ay sii fican u shaqeeyaan.

Nasasho nafsadeed, nasasho jidheed

 

5.Waxay Kor U Qoaadaa Farxadaada Guud

Marka aad naftaada daryeesho, waxaad dareemaysaa farxad iyo deganaan gudaha ah. Waxaad noqotaa mid dulqaad badan, wacan oo dadka kale si wanaagsan ula dhaqma. Qof faraxsan ayaa farxad siiya dadka Kalena. Farxada dhabta ah waxay ka bilaabataa marka aad naftaafa siiso daryeel ay u baahan tahay.

Farxad gudaha ah, naftaada daryeel

 

Gunaanad

Waqti adiga kuu gaar ah ma aha raaxo ama wax la iska doorto, waa baahi noloshaada muhiim u ah. Hadii aad rabto nolol caafimaad qabta, farxad leh, oo maskaxdaada iyo jidhkaaguba ay si fiican u shaqeeyaan, waa in aad bilowdaa inaad maalin walba si joogto ah u hesho waqti aad adigu isugu talagashay. Waxaa laga yaabaa inuu noqdo 15 daqiiqo subaxdii ama 30 daqiiqo fidkii-muhiimadu waxay tahay inaad isdaryeesho.

 

Soo jeedin: Maanta iska weydii: Maxaan naftayda u qabanayaa manta?”

Post a Comment

0 Comments