Sida Maalin
walba loo kordhiyo Kalsooonida Nafa
Kalsoonida
naftu waa furaha guusha qof kasta. Qof aan isku kalsoonayn waxa uu dareema cabsi,
is-ciil, iyo in uu ka liito dadka kale-taasoo si toos ah u dhaawacda
horumarkiisa nolosha, Qormadan waxay kuu sharaxaysaa siyaabaha aad kalsoonida
nafta u kobcin karto maalin kasta, si aad naftaada ugu rumaysato, una
gaarto riyadaada.
1.Ku bilow
maskax togan
Subax kasta
markaad toosto, ha u ogolaanin fikir xun inuu galo maskaxdaada. Naftaada u
sheeg erayo dhiirigelin ah sida:
“Waan
awoodaa”
“Naftaydu
waa qiimo”
“waan
horumariya malin kasta”
Maskaxda
togan waa saldhiga
kalsoonida nafta. Hadii aad naftaada si fiican ula hadasho, waxay kuu abuuraysaa
tamar iyo niyad wanaagsan oo aad ku bilowdo maalinta.
2.Yaree
is-barbardhiga dadka kale
Mid ka mid
ah waxyaabaha ugu badan ee burburiya is-barbardhiga. Dadka qaar waxay
noloshooda ka muujiyaan muuqaal qurux badan, balse waxa ka dahsoon ma ogid
Isku day
inaad isbarbardhigto adiga manta iyo adiga shalay – halkii aad dadka kale la
isu barbar dhigi lahyd. Kobcinta naftaada ha noqoto tiir lagu dhiso kalsooni
joogto ah.
3.Qabo
yoolal yaryar oo la gaari karo
Qofka
kalsoonida leh waa qof mar walba wax qabsada, xitaa hadii ay yar yihiin. Maalin
kasta isku day inaad sameeyso:
.Hal wax oo
cusub baro
.Guriga
nadiifi
.Buug akhri
.Ama la
hadal qof togan
Talaabooyinkan
yaryar waxay dhisaan kalsoonida naftaada. Waxay kuu sheegayaan in aad wax qaban
karto. Taaso ku kordhinaysa qiimo nafsiyan ah.
4.Naftaada
u naxariiso
Qof walba
wuu khaldamaa, laakiin muhiim ma aha khaladka, ee waa sida aad uga jawaabto.
Hadii aad khald samayso, ha ku canaanan naftaada. Halkii aad odhan lahyd “waan
fashilmay” dheh “waxaan helay cashar cusub”
Kalsoonida
dhabta ah waxay
timaada markaad naftaada u naxariisto, ogolaato inaad khaldanto, isla markaana
aad hore u sii socoto.
5. LA jog
dadka wanaagsan ee ku dhiirigeliy
Dadka aad
la joogto waxay si weyn u saameeyaan naftaada iyo kalasoonideeda. Hadii
aad la joogto dad had iyo jeer ka niyad jebinaya, waxaad dareemi kartaa hoos-u
dhac nafsiyan
LA jog dad
ku rumaysan, ku dhiirigeliya, wax kuu sheegay markaad saxantahay. Isla markaana
ku jecel markaad daciif tahay. Saaxiibtinimada wanaagsan waa tiir muhiim u ah
horumarkaaga.
6.
Daryeel muuqaaga iyo naftaada
Markaad
naftaada daryeesho-si wanaagsan u labisato naftada ilaashato, iyo inaad cuno
caafimaadleh cunto- waxaad dareemaysaa farxad iyo kalsooni dheeraad ah.
Naftaada
u muuji inaad qiimo leedahay, si kalsoonidaada u korto.
7.Ku
xirnoiw ilaahay si aad u hesho deganaan
Dadka
kalsoonida leh badana waxay leeyihin xasilooni naftsiyan ah. Waxaa muhiim ah
inaad salaada joogtayso, duco samyso, kuna xirnaato rabiga ku abuuray. Waxaa jira
kalsooni Alle bixiyo oo aan laga helin meel kale
Gunaanad
Kalsoonida
waa la dhistaa, ee looma dhasho
Hasugin inaad dareento kalsooni si aad u
bilowdo. Bilow dadaalka, kadib kalsoonida ayaa imaan doonta. Maalin kasta ku
dadaal inaad:
.Naftaada
ku rumaysato
.Fikir
togan samyso
.Naftaada u
naxariiso
.Dad
wanaagsan la joogto
Erayo
Dhiirigelin ah:
“Kalsoonida
nafta maaha in aan cabsi la’aan nahay, waa in aan talaabo qaado xitaa anagoo
cabsanayna
Kalsoonida nafta,
horumar nafsiyan, sida loo helo is-aaminaad , maskax togan, kobcinta kalsoonida
dhiirigelin,
0 Comments