7 Maalin
Oo Aad Naftaada Dib U Dhisi KArto -Qorshe Fudud Oo Todobaadle Ah
Noloshaada
hagaaji, naftaada dib u dhis, qorshe nololeed, daryeel nafeed, reset routine
Qof kasta
wuu la kulmaa waqtiyo uu dareemayso
daal, jahwareer, iyo in noloshu aysan isku meel ka socon. Waxay noqon kartaa
mashquulka nololeed, fikirka badan, ama walwalka maalininlaha ah. Laakiin hadii
aad qaadato 7 malmood oo aad si nidaamsan naftaada ugu celiso degenaansho, Waxaad
la yaabi doontaa sida isbedel wanaagsan u imaanayo
Qormadan
waxaan kugu hagi doonaa qorshe fudud oo 7 maalmood ah oo ka caawinaya inaad naftaada dib u dhisto
oo aad dareento farxad, firfircooni, iyo yididiilo cusub,
Maalinta
1: Nadiifi booskaaga-Guriga nadiifi ah, maskax nadiif ah
Nadiifinta
guriga, bilow cusub
Maalinta
ugu horaysa, xooga saar nadifiinta gurigaaga ama booska aad ka shaqeyso.
Qashinka ka
saar, buugta iyo dharka hagaajii, ooh ubi in booskaaga ama goobtada ay tahay mid
kuu dhiirigelisa.
Talo: Nadiifinta booskaaga waxay
maskaxdaada ka saarta culaysyo qarsoon oo aan la dareemin.
Maalinta
2: Kanaso dhaman
social mediaha sida Facebook, Tiktok,&WhatsApp
Digtaal
dotox, nasasho screen-ka
Iska jooji
isticmaalka mobile-kaaga maalintan-gaar ahaan baraha bulshada. Waxaad dareemi
doonto in waqtigaagu sii badanayo oo aad dareento degenaansho.
Talo: Qor sida aad u dareentay kadib
markaad maalin dhan ka nasato screen-ka.
Maalinta
3: Qor yoolalkaaga- ku noqo hadafka nolosha
Qorshe
nololeed, yool nololeed
Fadhiiso oo
si qoto dheer u feker-maxaad nolosha ka rabtaa? Maxaad doonaysaa inaadgaarto 1
bil gudahood ama 1 sano gudahood? Qor yoolala la gaari karo.
Talo: Isticmaal “journal” ama bug yar oo
aad ku qorto horumarkaaga todobaadle.
Maalinta4:
U samee naftaada daryeel-Self care Day
Daryeel
nafeed, nasasho maskaaxeed
Qof kasta
wuxuu u bahan yahay maalin uu naftiisa gaar ah u daryeelo. Samee
waxyaabo fudud oo aad jeceshaahy sida:
.Qubays
raaxo leh
.U subkid
jirka ah
. Quraac
wanaagsan
. Dhegaysi
quraan ama dhirigalin
Talo: Ha dreemin in ay tahay raaxo kaliya-waa
baahi nafsaani ah.
Maalinta
5: La xiriir asxaabtaada ama qoyska-Xiriirka dadku waa muhiim
Xiriirka
bulshada, saaxiibtinimo
Mararka
qaar, waxaan iloobnaa in dadku ay yihiin halbowlaha nolosha. Qofkaas aad mudo
la hadii waysay la xirir. Wac hooyadaa, ama qor fariin mahadnaq ah.
Talo: Xiriirka wanaagsan wuxuu kor u
qaadaa farxada qalbiga.
Maalinta
6: Samee cunto caafimaad leh-Naftaada quudi si wacan
Cunto
caafimaad leh, caafimaadka jirka
Isku day
inaad kariso cunto macaan oo caafimaad leh sida khudaar, hilib fudu iyo
cabitaan dabiici ah. Jirkaaga u muuji jecayl.
Talo: Samee liis ah cuntootin sahlan oo
caafimaad leh si aad todobaad kasta u istismaasho.
Maalinta
7: Soco, jimicsi samee
Socod
caafimaad leh nasasho maskaxeed
Socodka
subaxnimo, yoga, ama dhageysi meditation app ah wuxuu kaa saari karaa walwalka
maskaxda ku jirto. Maalintan ha shaqayn, ha fikirin wax badan-u ogolow
maskaxdaada inay nasato.
Talo: 10 daqiiqo oo socod degan ah waxay
kuu noqon karta daawo dabii ahç.
Gunaanad
Hadii aad
si daacad ah ugu dhaqanto qorshahan todobaadka ah, waxaad dareemi doontaa is
bedel dhab ah. Ma ahan inaad nolosha dhan hal mar bedesho- waxa muhiimka ah waa
in aad si tartiib ah u horumariso naftaada. Qorshahan waa bilaabid wanaagsan.
Su’aal: Ma isku dayday inaad sameyso weekly
reset? Maxaad sameysaa markaa aad dareento daal iyo jahawareer? Hoos noogu reeb
faalo!
0 Comments