LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

“Start Your Morning Without Your Phone”

 



Subaxdada Ku Bilow Mobile La’an!



Maxaad ku bilaabtaa subaxaaga marka aad indhaha kala qaado? Ma gacantaad ku taagtaa telefoonkaaga si aad u eegto facebook, Tiktok, ama WhatsApp? Hadii aad sida yeeshid ma ogtahay in tani ay si toos ah u dhaawacayso maalintaada intiisa kale?

 

Qarnigan casriga ah, in badan oo inaga mid ah waxay subaxa ku bilaabaan  qalab digtal ah, iyagoo aan xitaa waji dhaqan ama tukan ama biyo cabin laakiin ma ogtahay in bilowga subaxa uu yahay furaha maalintaada oo dhan? Sidaad u bilowdo subaxaaga, ayey noloshaada u socon doontaa.

Bilow subaxaaga adigoon taabanin telefoonkaga.

Taa bedelkeeda, samee waxyaabo yar oo deganaan iyo tamar kugu abuuri kara sida:

 

. Neefsasho qoto dheer

. Duco, adkaar sabaax ama fikir togan salada kadib

. Cabitaanka biyo diiran

. Qorista 3 waxyaabood oo aad rabto inaad manta qabato

 

Markaad is dejiso subaxii hore, maskaxdaada waxay yelataa fursad ay ku bilaabato si xasiloon, adigoon welwelka internet-ka isla markiiba la kulmin.

 

Maxaa faa’iido ah ku jirta?

. Waxaad helaysaa maskax furan o degen.

. Waxaad dareemaysaa xasilooni iyo kalsooni.

. Waxaad si hufan u qorsheyn kartaa maalintaada,

. Waxa aad yareyneysaa strees-ka iyo mashquulka maskaxeed.

 

Talaabadan yar, oo ah in aanad isla markiiba telefoonka taaban, wa mid noloshaada si weyn u hagaajin karta hadii aad si joogto ah u samayso.

 

. Bilow subaxaaga si wanaagsan

. Caadooyin maalinle ah

 . Nolosha casriga ah iyo telefonka

. Talooyin lifestyle

. Sidee ku heli kartaa maskax degan subixii?

 

 


Gunaanan

Mararka qaar, isbedel weyn wuxuu ku yimaadaa ficil yar. Manta isku day inaad 15-ka daqiiqo ee ugu horeeya noloshaada uga tagto adigoon telefoonka isticmaalin. Waxaad la yaabi doonta sida ay maalintaadu u noqon doonto mid qurux badan oo wax- soo saar leh ale kacabsi ku dheehanyahay ku hagaageen dhaman qorshahaga maaline wakhtigaaguna uu noqddo mid barako leh

 

Post a Comment

0 Comments