LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

How To Love Yourself—Simple Ways To Practice -Love and Care

 



Sidee Naftaada Loo Jecleystaa?—Hagaha Nolosha Ku Hagaya Jacaylka Naftaada

 

Naftaada jecleysi maalin kasta ma ku dadaashaa?

Waa maxay sababta aad mar walba dadka kale u daryeesho, adigana naftaada u iloowdo?

 

Qof kasta oo dunida jooga wuxuu u baahan yahy in la jeclaado, lana fahmo. Laakiin jacaylka dhabta ah wuxuu ka bilaabma naftaada. Marka aad naftaada barato, fahanto, aqbasho oo jeceyl siso – waa markaas marka aad si dhab ah ugu noolaan karto nolol degan, farxad leh, iyo kalsooni buuxda.

 

Blogan wuxuu ku tusayaa sida aad si tartiib tartiib ah ugu bilaabi karto jacaylka naftaada. Adigoo waliba maskaxdaada iyo qalbigaaga daweynaya.

 

Waa maxay jacaylka nafta?

Jacaylka nafta waa:

. Inaad aqbasho naftaada sida ay tahy

. Inaad cafiso khaladaadkaagii hore

. Inaad naftaada ilaaliso marka dunidu cadaadinayso

. Inaad naftaada siiso daryeel, nasasho, iyo kalmad wanaagsan

 

Suaalo muhiim ah oo kaa caawinaya inaad naftaada fahanto:

1.Maxaa iga hor istaaga inaan naftaada jeclaado?

2.Marka aan keligey ahay, side ula dhaqmaa naftayda?

3.Dadka igu xeeran ma I xushmeeyaan? Mise waxaan aqbalay inaan la I xushmayn?

4.Goorma ayaan dareemaa in aan qiimo leeyahay?

5.Waa maxay sababta aan naftayda ugu naxariisan la’ahay?

 

Suaalahaan marka aad si daacad ah uga jaawabto, waxaad arkeysaa Meesha aad ka bilaabi karto jacaylka naftaada.

 


Talooyin Fudud oo Ku Baraya Sida Naftaada Loo Jecleysto

1.Naftaada Aqbal  --Sida Ay Tahay

Ha isku dayin inaad naftaada u ekeysiiso cid kale. Adiga sida aad tahay ayaa qurux badan. La hadal naftaada si xushmad leh oo kalgacal leh.

 

   Naftaada aqbalida, kalsooni, jacayl nafta

 

2.Jooji Isbarbardhiga Dadka Kale

Ha is barbar dhigin adiga iyo dadka aad social media ka aragto. Noloshaada maaha sida ay muuqato. Noloshaada adiga leh, kuna kalsoonow.

 

   Isbarbardhiga nolosha, kalsooni nafta, farxad dhab ah

 

3.Samee Daryeelka Nafta

Nasashada, hurdo fican, cunto caafimaad leh, iyo socodka yar yar waxay ka mid yihiin jacaylka naftaada. Naftaada u samee waqti gaar ah.

 

     Daryeelka nafta, nasasho, caadooyin caafimaad leh

 

4.Cafis—Naftaada iyo kuwa Kuu Dulmiyeyba

Hadii aad hore qalad u gashay, iska cafi. Hadii dad ku dhaawaceen, iska cafi. Jacaylka dhabta ah wuxuu ka bilowdaa qabli nadiif ah.

 

     Cafis, jacaylka nafta, cafinta qaldaadka

 

 

5.La Hdal Naftaada Si Wanaagsan

Maalin walba naftaada u sheeg ereyo dhisaya, sida

. “Waxaan ahay qof muhiim ah”

. “Waan ku faraxsanahy qofka aan ahay”

. “Naftaydu waxay mudan tahay farxad”

. “Naftaydu waxay mudan tahay farxad”

 

      Kalmado dhiirigelin ah, nafta u hadal togan, jacayl nafta

 

Maxay Tahay Faa’iidada jacaylka Naftaada?

. Waxaad yeelanaysaa kalsooni sare

. Waxaad dareemaysaa deganansho iyo xasilooni

. Waxaad awoodi kartaa inaad dadka kale si wanaagsan ula dhaqanto

. Waxaad joojin kartaa isku dhibida iyo niyad-jabka

 

Gunaanad

Naftaada waa Hadiyada Ugu Wanaagsan Ee Eebe Kuu siiyey

Naftaada jecleysi ma aha wax dhacaya hal maalin gudaheed, balse waa safar nololeed. Qofna ma dhameystirna, laakiin qof kasta wuxuu mudan yahay jacayl. Marka aad naftaada jecleysato, waxaad fure u noqonaysaa nolol dhamaystiran, farxad leh, iyo rajo badan.

    

    Jacaylka nafta, naftaada jecleysi, daryeelka nafta, kalsooni, cafis, is-barbardhig, nolosha togan, farxad dhab ah, caadooyin caafimaad leh nafta ula hadal si togan

 

 

Post a Comment

0 Comments