Soo Kordhi
Maalin Walba – Awooda Horumarka maalinlaha ah
Blog- gaan wuxuu
ku salaysan yahay dhiirigelin horumar shakhsi ah, wuxuuna leeyahay su’aalo
dhiirigelinaya, ereyo muhiim ah
Sida:
horumar, nolol maalin kasta, guul, naftaada horumari, dadaal, niyad wanaag, iyo
qorshe,
Soo
kordhi Maalin walba – Awooda Horumarka Maalinlaha ah
Ma is
weydiisay sababta dad badan u guulaystaan halka kuwa Kalena ay sanadka dhan
istaagan?
Ma is Leedahay:
. MAxaan
sameeyaa si aan nololsheyda u horumariyo?
. Sideen isugu
keeni karaa dadaalka iyo niyada maalin kasta?
. Miyaan u
baahanahay fursad weyn mise waan bilaabi karaa hada?
Jawaabtu waa mid sahlan:
Horumarka
dhabta ah wuxuu ka yimaadaa marka aad wax yar ku kordhiso noloshaada maalin
walba.
ü Waa maxay “soo kordhi maalin walba”?
Waa fikir
ku saabsan in maalin kasta aad naftaada wax ugu darto – xitaa hadii ay tahay
wax aad u yar.
Maaha inaad
hal mar noqoto qof guulaystay, balse waa inaad noqoto qof si joogto ah u
koraysa.
Tusaalooyin
fudud oo aad ku bilaabi karto:
. Akhri hal
bog maalin kasta
. Bar hale
ray ingriisi ah maalin kasta
. Samee hal
duco ama mahadcelin
. Ka fogow
hal caado xun
. Is
dhiirigelin hal mar subax kasta
Su’aal
muhiim ah:
Ma
waxaad sugaysaa fursad weyn si aad u dhaqaaqdo, mise waxaad ka bilaabi kartaa fursada yar ee hada jirta?
Qofka
caqliga badan wuxuu garanayaa in fursad weyn laga sameeyo tilmaamo yar yar
oo joogto ah.
Maxaa ku dhacaya hadii aad wax yar ku darto
noloshaada maalin walba?
1.Waxaad
yeelan doontaa kalsooni sii kordhaysa
Markaad
aragto horumarkaaga xitaa hadii uu yar yahay, naftaadu waxay dareemeysaa farxad
iyo rajo.
2.Maskaxdaada
ayaa noqonaysa mid cad
Markaad wax
badan barato ama fahamto, go’aamada aad qabato waxay noqdaan kuwo miisaaman.
3.Dadaalkaaga
wuu isku darsamayaa
Tusaale: 1% horumar ah maalintii=horumar weyn
bishii iyo sanadka.
Su’aal kale:
Maxaa
kaa hor istaagaya hada?
Waa caadi
inaad dareento daal, niyad jab, ama walwal. Laakiin xasuusnoow:
Hadii aad sugayso maalinta ugu haboon-
waa laga yaabaa in sysan imaan.
Marka, ha
sugin! Bilaaw hada, xitaa hadii ay tahay wax aad u yar.
Talooyin Kuu Sahlaya Soo Kordhinta Maalin
Wlba:
1.Qor
liiska yoolka yar- yar
Maaha yol
waaweyn, Laakiin wax fudud sida: “waxaan rabaa inaan 5 daqiiqo socdo”, Hal cashar
online ah baro “, iwm.
2. raac
dad ku dhiirigeliya
Qof kasta
wuxuu u baahan yahay dhiirigelin – ha noqon kaligaa, Raadi bulsho ku garab
istaagta.
3.U dabaaldeg
guulaha yar- yar
Hadii aad
sameyso horumar, xitaa hadii uu yar yahay, naftaada ku abaal mari – ama ugu
yaraan u mahadnaq.
Gunaanad:
Maalin
walba waa fursad cusub.
Naftdaada
wax ku dar, maskaxdaada kobci, riyadaada dhis.
Guushaada maha meel aad gaarayso – waa safar
aa maalinkasta ku socoto.
Horumar
maalin walba, guusha dhabta ah, dadaal joogto ah, nolosha bedel, koritaanka nafta,
dhiirigelin nolosha, niyad wanaag maalinle ah, qorshe maalin kasta, isbedel
dhab ah xigmad nololeed.
0 Comments