xikmad nololeed, guul, rajo, nolol wanaagsan, horumar, hammi, kalsooni nafta
Nolosha waa safar dheer oo mararka qaar farxad leh, marna tijaabo ah. Waxaa dhacda in aan marsrka qaar niyad-jab dareento, aan is weydiino: “ Ma ku guulaysan karaa riyadad
Laakiin jawaabtu wa HAA. Waxa kaliya ee aad u baahan tahy waa xikmad ku dhiirigelisa inaad socoto. Maqaalkan waxaan kugu soo gudbin doonaa xikmado dhiirigelin leh oo kugu caawin doona inaad ka gudubto caqabada oo aad gaarto guusha iyo horumarka nolosha.
1.Guushu ma aha wax si fudud lagu helo, balse waa abaalmarinta dadaalka joogtada ah”.
Dadka guulaeysta ma ahan kuwa nasiib leh kaliya, waa kuwa aan joojin dadaalka ay sameynayaan. Hadii aad rabto nolol wanaagsan, ku bilow talaabo yar, oo sii wad maalin walba. Guushu waxay la timaadaa dulqaad iyo Samir.
2. “ Ha u ogolaan hal guuldaro inay kaa hor istaagto boqolaal fursadood”
Qof kasta wuu guulsareystaa mararka qaar. Waxaa muhiimka ah waa inaad barato cahsarka, oo aad dib u istaagto. Guuldaradu waa macalin – waa fursad aad ku barato waxa aan shaqeynin.
3. “Maanta waa fursad cusub—ha seegin
Maalinta aad joogto waa hibo—waqti cusub oo aad noloshaada dib u qori karto. Ha ogolaan in waayaha hore ama khaladaadka shalay ay kaa hor istaagaan waxa aad manta qaban karto.
4. “Qofna kuma joojin karo hadii aad adigu amiinsan tahay awoodaada
Kalsoonidu waa furaha guusha. Marka aad amiinto naftaada, xitaa dunida oo dhan haku hor istaagto—waad mari kartaa. Ha sugina in dadka kale ku qanciyaan—adigu naftaada ku qanci.
5. “Hadii aad rabto nolol cusub, bilow inaad noqoto qof cusub.”
Isbedelka nolosha wuxuu ka bilaabma gudaha. Marka aad bedesho fikirkaaga, waxaad bedeleysaa ficilkaaga, taaso keeni doonta natiijo cusub. Naftaada horumari wax akhri, baro xirfad cusub, u fikir si togan.
6. “Wax lasta oo weyn, waxay ku bilaabmaan talaabo yar.”
Ha ka cabsan bilowga yar. Qof kasta wuxuu ku bilaabay meel hoose. Waxaa kaliya ee aad u baahan tahay waa go’aan iyo Sabur. Talaabada ugu horeysaa wa tan ugu muhiimsan.
7. “Riyadaada cid kale ugama sugin—adigu u kac.”
Ha sugin qof kuu dhiso riyadaada. Adigu u kac, qorshee, oo ku dadaal sidii aad u gaari lahayd. Xitaa hadii aysan dadka kugu taageerin—ilaahay waa kuu garab galaya hadii aad dadaasho ilahayna ku kalsoonaatoç.
8. “Caqabadu ma aha dhamaad, waa imtixaan.”
Markaad la kulanto dhibaato, ha u arkin in adiga lagu nacay ama laga guuleystay. Waa kaliya imtixaan ilaahay ku diray siu u arko adkeyysigaaga iyo rumaysadkaaga. Ka faa’iidayso, wax ka baro, hore u soo.
9. “Maanta dadaal yar, bari farxad weyn.”
Shaqada aad manta qabato—xitaa hadii ay yar tahay waxay keeni doontaa farxad iyo guul baeri. Ha yareysan wax kasta oo aad qaban karto manta. Maalin walba wax yar samee.
10. “Ha isbarbardhigin dadka kale baro sida aad naftaaada u horumarin lahayd.”
Qof kasta wuxuu leeyahay waqtigiisaa iyo wadaadiisa. Haku mashquulin dadka kale ee mashquul naftaada. Isbarbar dhig naftaadii shalay iyo naftaada manta. Hadii aad horumar sameyso taasi waa guul dhab ah.
Gunaanad
Noloshu waa imtixaan joogto ah, laakiin xikmado sida kuwa kor ku xusan ayaa noqon kara nalka kuu ifiya marka ay wax mudgi u muuqdaan. Ha quusan, ha istaagin, ha ka harin riyadaada. Dadaal, ku kalsoonow ilaahay oo yaqiinso inaad wadada kusocoto ilahay kugu garabsiinayo marwalbana ilahay bari oo ducayso ducadu waxay bedesha qadarka xun , ku kalsoonow naftaada.
“Guushaada adiga gacanta ku haysta hada bilow!”
“ Bilow kasta wa adagyahay mar walba ku da’daal jogtaynta oo ha joojin dadalkaaga”.
“ BARO SIDA GUUSHA LOOGU SOCDO ADIGOO AKHRINAYA ORAAHYO DHIIRIGELIN IYO XIKMAD LEH”
0 Comments