LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Healthy Lifestyle On a Budget

 



Nolol Caafimaad Leh Oo Miisaaniyad Yar Ku dhisan- Ma suurtagal Baa?

Dad badan waxay amiinsan yihiin in nolol caafimaad leh ay u baahan tahay lacag badan, cunto qaali ah gym, iyo qalabyo aan  la awoodin. Laakiin runtii, nolol caafimaad leh ayaa lagu gaari karaa adigoo leh miisaaniyad hoose hadii aad leedahay qorshe iyo go’aan.

 

Maxaa looga baahan yahay si aad u bilowdo nolol caafimaad leh?

1.Cunto fudud oo caafiimaad leh ku cun gurigaaga:

Ma aha inaad iibsato cunto qaali ah. Bariis, digir, khudaar deeganka laga helo, iyo biyo  badan cabid ayaa kaa caawin kara inaad caafimaad hesho.

       Cunyo caafimaad leh, nolol caafimaad leh, cunto jaban

2.Socodka iyo jimicsiga fudud ee bilaashka ah:

Uma baahnid inaad tagto gym si aad jimicsi u samayso. Socod maalinle ah, jaranjaro fuulid, ama ciyaar caruurta ah ayaa qeyb ka ah jimicsiga jidhka.

        Jimicsi bilaash leh, caafimaadka jidhka, socod caafimaad leh

3.Hurdada Hagaaji:

Hurdada fiican waxay jidhka iyo maskaxda kaa nasisaa. Isku day inaad seexato 7-8 sacadood habeenkii.

         Hurdo caafimaad leh, nasasho jidhka, caafimaadka maskaxda

4.Ka fogow walbahaarka iyo fikirka badan:

Nolol degan iyo fikir wanaagsan ayaa qeyb ka ah caafimaadka. Ku mashquul cibaado,akhris, ama la sheekeysiga dad aad wax ka faa’iidayso

          Nolol  degan, caafimaadka maskaxda, ciibaado, stress yar

5.Cab biyo badan oo iska ilaali cabitaanada sonkorta leh:

Biyaha wa fure caafimaad. Iska yaree cabitaanada sida sodhada ama cabitaanada macaan.

            Biyo badan cabid, caafimaadka guud, cabitaan caafimaad leh

 

 


Maxay tihiin faa’iidooyinka nolosha caafimaadka leh ee lacag la’aanta lagu heli karo?

. Jidhkaaga wuu noqdaa mid firfircoon

. Maskaxdaada wey degtaa

. Wakhti iyo lacag ayaad badbaadinaysaa

. Noloshaada waxaad dareemaysaa horumar

 

Gunaanad

Ma aha lacta mid go’aamisa caafimaadkaaga- waa doorashadaada. Marka xigta ee aad is waydiiso, “sideen u noolaan karaa si caafimaad leh anigoo aan lacag badan haysan?”, xasuuso in xalka uu yahy inay jirto dariiq sahlan oo dhab ah. Bilow manta, ha sugin bari

 

. Nolol Cafimaad leh

. Cunto caafimaad leh

. Jimicsi fudud

. Caafimaadka maskaxda

. Nolol jaban

. Biyo badan cabid

. Hurdo caafimaad leh

. Nolosha budget ka ah

 


Post a Comment

0 Comments