LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 Habits That Can Lead to a Better Life

 



10 Caado oo Nolol Wanaagsan Kaa Dhigi Kara

 

 

Caadooyin wanaagsan, nolol caafimaad leh, horumar, maskax fayoow, hab nololeed

 

Nolosha wanaagsan ma timaado si kedis ah, balse waxay ka bilaabataa caadooyin yaryar oo maalin walba la sameeyo. Hadii aad rabto inaad horumar samayso, caafimaad hesho, iyo farxad dareento, waxaad uu baahan tahay inaad qadato hab nololeed wanaagsan oo joogto ah.

 

Maqaalkan waxaan kugu soo bandhigayaa 10 caado oo noloshaada kor u qaadi kara hadii aad si joogto ah u dhaqangeliso. Caadooyinkan waxay ka shaqeynayaan maskaxda, jidhka, iyo naftaada.

 

1.Kac Subaxdii xili Hore

Subax firfircoon

Qof kasta oo guulaysta wuxuu leeyahay caado ah inuu tooso subaxdii hore. Tani waxay kuu ogolaaneysaa inaad si degan u bilowdo maalintaada, wax badan qabato, maskaxdaada nasato, isla markaana aad hesho waqti aad la qaadato naftaada.

 


2.Samee Liiska Maalintaada

Qorshe nololeed

Qorsheynta maalinta waxay kaa caawisaa inaad waqtigaaga si fican u maamusho, isla markaana aad yoolal cad leedahay. Liis yar oo aad qorto subax kasta wuxuu kuu iftiiminayaa meelaha aad xooga saari lahayd.

 

3.Cun Cunto Caafimaad Leh

Cunto caafimaad leh

Cuntada wanaagsan waxay saameyn ku leedahay maskaxdaada, jiirkaaga, iyo firfircoonidaada. Iska ilaali cuntooyinka dukanka badan iyo sokorta badan kuna dadaal inaad cunto khudaar, miraha, iyo biyo badan cabto

 

 

4.Jimicsi Fudud Samee Maalin Walba

Jimicsi fudud

Dadka noloshoodu wanaagsan tahay waxay sameeyaan dhaqdhaaq jidheed sida socod, ama orod. Waxay kaa yareyn kartaa stress- ka, waxayna kordhisaa tamartaada iyo hurdadaada habeenkii.

 

5. Akhri Maalin Walba

Horumarinta maskaxda

Akhri buugaag, maqaalada waxbarashada leh, ama qoraalo dhiirigelin leh. Akhrisku waa furaha kobcinta maskaxda iyo fahamka nolosha. Xitaa 10 daqiiqo maalintii waa ku filan tahay.

 

6.Qor Mahadnaq

Mahadnaq, farxad

Qor sadex waxyaalood oo aad uga mahadcelinayso maalintii. Waxay kaa caawineysaa inaad xooga saarto wanaga nolosha, halki aad diirada saari lahayd dhibtaatooyinka.

 

7.Ka Fogow Dadka Tamarta Xun Leh

Jawi wanaagsan

Dad badan oo aan naxariis lahyn ayaa kaa lumin kara tamartaada. Ka fogaanshaha dadka xun waxay kuu ogolaanaysaa inaad sii ilaaliso kalsoonida naftaada iyo farxdaada.

 

8.Isticmaal Baraha Bulshada Si Xididan

Xakamaynta waqitiga

Tiktok, Facebook, iyo Intstagram waxay mararka qaar waqti iyo tamar kaa luminyaan. U samee xad iyo jadwal isticmaalka si aad wakhtigaas ugu isticmaasho wax faa’iido leh.

 

9.La Qaado Waqtigaas Naftaada u Gaar ah

Nasasho maskaxeed

Naftaada u samee waqti aad ku nasato, ku tukato, ama ku fikirto. Waqtigaas wuxuu kaa caawinayaa inaad dib isugu xirmo oo aad naftaada si wanagsan u fahanto.

 

 

10.Samee Yoolal Gaagaaban iyo kuwo dhaadheer

Yool nolosha

Hadii aad leedahay yoolal nolosha ah, waxaad haystaa jihada aad u socoto. Qor yoolal maalinle ah, todobaadle ah, iyo kuwa sandle ah – si tartiib tartiib ah uga shaqee.

 

 

Gunaanad:

Caadooyinkan ma ahan kuwo adag, balse waxay u baahan yihiin niyad, dulqaad, iyo joogteyn. Bilow manta hal caado, maalin kasta hal talaabo hore u qaad, waxaadna la yaaabi doontaa isbedelka noloshaada ku dhaca.

 

Nolosha wanagsan waxay ku bilaabataa hal doorasho oo fican maantal!

     

Post a Comment

0 Comments