LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Don’t Give Up – Success Is Closer Than You Rhink”

 



 

Ha Quusan – Guushu Waa Kugu soo Dhowdahay

 

Dadaal, guul, horumar, ha quusan, rajo, nolol, himilo, niyad dhis, isbedel, hamiga nolosha

 

Mararka qaar noloshu waxay nagu riixdaa meel aan ka quusano, meel aan dareemno in wax walba naga dhamaadeen, qalbiguna uu daloosho. Waxaa laga yaabaa in aad ku jirto xaalad kugu adag, lacag la’aan, niyad jab, ama xaalad kugu keentay in aad ooydo habeenkii. Laakiin sxb, ha quusan – guushu waa kuhu soo dhowdahay.

 

1.Dhibka Maanta waa Furfurka Berrito

Dad badan oo manta lagu amaano guushooda, waa dad soo maray xiliyo ay caajis yihiin, ooyaan, la kulmaan lacag la’aan iyo niyad jab. Waxayna fah,een in dhibku yahay tababar nolosha, ee uusan ahayn ciqaab.

 

  Markii aan lahayn wax ,waxaan bartay sida loo sabro, loona rumeeyo rajo aan muuqan.”

 

2.Talaabo Yari Waa Horumar

Wax kasta oo aad manta sameyso, xitaa hadii uu yaryahay, waa guul. Inaad subax walba kacdo oo iska dhaqdo, ilmaha daryeesho, ducaysato, Tasbiixsato, jadwalkaga kusocoto ama wax barato – waa talaaboyin kaa fogeynaya quus, kuna dhowynaya guul.

 

Ha is dhihin: “Ma sameyn wax weyn,” waxaad sameyneysaa wax weyn marka aad iska diido quusashada.

 

3.Ilaahay wuu Og yahay waxa aad La dhiban Tahay

Dadka qaar kuma fahmaan waxaad dareemeyso, laakiin ilaahay wuu og yahay. Baryadaada, oohintaada, iyo baahidaada – wuu maqlaa. Qofkii ilaahay isku haleeya, waligiis khasaaro ma galo.



4.Ha Is Barbar Dhigin Dadka Kale

Markaad aragto dad guulaystay, xasuuso inaysan halkaas si sahlan ah ku gaarin. Waxaa laga yaabaa in aad hada bilow tahay, adiguna waxaad leedahay wado u gaar ah. Waa muhiim inaad diirada saarto horumarkaaga, adigoon is barbar dhigin nolosha dadka kale.

 

5.Guushu waa abaalmarinta Ku sugan dadaalka Ka Dambeeya

 

Maanta waxaad dareemi kartaa daal, caajis iyo murugo. Laakiin hadii aad sii wado dadaalka:

. Maalin ayaa imaan doonta oo waxaad dareemi doontaa farxad dhab ah

. Waxaa kuu ifi doona rajo cusub

. waxaad dhihi doontaa: “waa mudnayd in aanan quusan.”

 

   Gunaanad:

Sxb, ha iloobin:

. Dhibku waa mid ku – gaar ah

. Dadaalkaaga lama ogaan karo manta, balse berri wuu iftiimayaa

. Ilaahay wuu og yahay waxa qalbigaaga ka buuxa

. Guushaada waa kuu dhowsahay, waxaad u bahan tahay keliya inaad hal talaabo hore u qaadayso – manta.

 

     Ha quusan. Guushu waa kugu soo dhowdahay.



 

Post a Comment

0 Comments