Don’t CompareYourself to Others,”
Ha Is Barbar
dhigin Dadka Kale
Safarka
Noloshaadu Waa Kaa Gaar
Nolosha manta
waxaan joognaa aduun ay bulshadu isku barbar dhigto maalin kasta: social media,
nolosha dadka kale, guusha saaxiibadaa, sawida la daabaco… Laakiin xaqiiqdu
waxay tahay: noloshaadu waa mid adiga kuu gaar ah. Marka aad isis barbar dhigto
dadka kale, waxaad luminaysaa xogaaga dhabta ah.
1.Qof
walba Wuxuu Leeyahay Waqtigiisa iyo safarkiisa
Waxaa jira
dad guulaysta da’da 20 jir, waxaa jira kuwa 40 jir markay gaaraan kadib guusha
arka, waxaa jira kuwa shaqo la’aan ahaa sanado, Laakiin markii dambe noqday
madax. Waxaa jira kuwa guusha helay kadib dhibaatooyin adag.
Sababta:
Ilaahay qof
walba wuxuu u qoray waqti gaar ah. Safarka aad marysaa adiga ayay kuu gaar
tahay. Waxaa muhiim ah inaad naftaada la tartanto, ee aadan dad kale la
tartamin.
2. Isbarbardhigu
wuxuu dilaa Kalsoonidaada
Markaad
eegto nolosha dadka kale oo aad isbarbardhigto:
.waxaad
dareemaysa inaad gaabis tahay
. Waxaad
dareemaysa inaad liidato
. Waxaad
bilaabaysaa in aadan qiimeyn naftaada
Halka
xaqiiqdu tahay:
. Adiguba
waxaad leedahay guulo yaryar oo u baahan in la qiimeeyo.
. Waxaa
jira waxyaabo leedahay guulo yaryar oo u baahan in la qimeeyo.
. Waxaa
jira waxyaabo aad leedahay oo dad kale aysan.
3.Social
Media Waa Been Qayb Badan
Qofka aad
social media ka aragto ma ogid waxa dhabta ah ee ka dambeeya sawirkiisa
quruxoon:
. Dhibta uu
qariyay
. Murugada
uu la tacaalay
. Niyad
jabka uu maalmo la il-darnaa
Markaa ha u
qaadan wax walba oo aad aragto inay yihiin runta buuxda.
4.Isbarbardhigu
Wuxuu Ka Hor Istaagaa Horumarka
Markaad
waqti badan geliso inaad eegto dadka kale:
. Waad
luminaysaa tamarta aad naftaada geli lahayd
. Waad
luminaysaa fursado
.
Maskaxdaada waxaa ka buuxsami kara niyad jab
Halka hadii
aad xooga saarto naftaada:
. Waxaad
arki doontaa horumar tartiib ah
. Waxaad
dareemi doontaa farxad iyo qanacsanaan
.
Maskaxdaada waxay buuxsami doonta tamr cusub
5 Ku
Fakar Sida Dadka Guuklaysta
Dadka
guulaystay waxay bartaan inaysan isbarbardhigin:
. Waxay is
barbar dhigaan iyaga iyo shalay
. Waxay is
weydiiyaan : “Maxaan manta ka fiicanahay sidii shalay?”
Sidaas ayey
ugu guuleystaan in ay si joogta ah u horumaraan.
6
Talaabooyinka Aad Qaadi KArto
. Qor
guulahaaa yaryar: Maalin walba waxa aad qabatay qoro.
. Samee
jadwal naftaada u gaar ah : Maalin walba waxa aad qabatay qoro.
. La soco
harumarkaaga: Waxaad arki doontaa in aad horay u socoto.
. KA fogow
is barbardhig aan macno lahayn: social media ka xadid hadii uu kugu keeno niyad
jab.
Xasuusnow:
“Guusha
dhabta ah waxay tahay marka aad adigu naftaada ka fiicnaato sidii aad ahayd
shalay.”
Gunaanad
Ha u
ogolaan in isbarbardhig aan macno lahayn uu kaa xado farxadaada, tamartaada iyo
kalsoonidaada. Safarkaagu waa gaare, guushaaduna waxay ku imaan doontaa waqtiga
ilaahay ku qoray. Joogso, naftaada u mahadnaq, dadaal, adigu ha la tartamin
dadka kale – ee la tartan naftaadii shalay.
. Ha isbarbardhigin
dadka kale
. Kalsooni
nafta
. dhiirigelin
. Horumarka
nolosha
. Guusha
nolosha
.
Dhiirigelin blog
. farxad
iyo qanacsanaan
. maskaxda
togan
0 Comments