“ How
Can I Control Laziness and Procrastination?”
Sida Loo
Xakameeyo Caajiska iyo Dib u-Dhaca
Caajiska
iyo dib u-dhaca waa laba caqabadood oo dad badan la kulmaan maalmahan. Waxaa laga
yaabaa inaad haysato hawl muhiim ah, Laakiin aad mar walba dib u dhigto. Marka ay arrintu caadi noqoto, waxay saameyn
xun ku yeelan kartaa noloshaada shaqo, waxbarasho, iyo nolol maalmeedkaaga
guud.
HAdaba, side
loo xakameyn karaa caajiska iyo dib u-dhaca? Qormadan waxaan kaga hadli doonaa
talooyin waxtar leh oo kaa caawinaya inaad la tacaasho caajiska oo aad horumar
la taaban karo samyso.
1.Fahamka
Sababta Caajiska
Marka hore,
waa muhiim inaad fahanto sababta aad u caajiseyso. Mararka qaar waxaa dhici
karta in:
. Aad
dareemeyso culays badan
. Hawshu
kuu muuqato mid aad u weyn
. Aad ka
baqeyso guul-daro
. Aad leedahay
fikrado taban oo naftaada ka dhan ah
Markaad
dahanto sababta, waxaad si fiican u heli kartaa xal ku haboon
2.Qorshee
waqtigaaga
Qorsheynta
waqtiga waa furaha ka hortaga dib u-dhaca. Samee liis hawleed oo aad maalin
kasta u samaysato. Qor hawlaha muhiimka ah ee maalintaas, kuna bilow kuwa ugu
muhiimsan. Waxaad isticmaali kartaa habka pomodoro Technique oo ah inaad 25
daqiiqo shaqeyso kadibna 5 daqiiqo nasato.
Maraynta
waqitiga, Liis hawleed, shaqo wax ku ool ah.
3.Yaree
Carqaladaha
Carqaladaha
waxay door weyn ku leeyihiin caajiska. Tusaale:
. Mobile-ka
. Baraha
bulshada
.
Telefishinka
. Saaxiibo
aan waqtiga xushmeyn
Go’aanso
inaad meel iska dhigto waxyaabaha kaa mashquulinaya inta aad shaqada ku jirto.
Carqaladaha,
baraha bulshada, waqtiga lumay.
4.Samee
Yoolal Yar Yar
Marka aad
hawsha u kala jabiso qaybo yar-yar, waxaa kuu fududaanaysa inaad bilowdo. Hadii
aad is dhahdo “Waxaan qori doonaa 1 bog 10 daqiiqo gudahood,” halkii aad is
dhihi lahayd “Waxaan qori doona 10 bog manta,” waxaad dareemeysaa in howshu
fududahay.
Yoolal
yaryar, horumar tartiib ah, dhiirigelin.
5.Naftaada
Abaal Mari
Markaad
hawl dhamayso, naftaada ku abaal mari si aad u dhiirato. Abaalmarintu waxay noqon
kartaa:
. Nasasho
yar
. Cabitaan
aad jeceshahay
. Socod
kooban
. Dabaaldeg
yar oo niyad dhis ah
Dhiirigelin,
abaal marin, niyad wanaag.
6.La
Soco Horumarkaaga
Qor
horumarka aad samyneyso maalin kasta. TUsaale ahaan, qalin ku calaamadee liiska
hawlaha marka aad dhameyso. Waxaad arki doontaa inaad si tartiib tartiib ah uga
adkaaneyso caajiska.
La socodka
horumarka, horumar joogto ah.
7.Ka
Fikir Cawaaqibka Dib-u-Dhaca
Marka aad
dib u dhigto hawsha, maskaxdaada ku sawir caawaaqibka xun ee ka dhalan kara:
. Shaqo
kugu ururta
. Walwal
. Fursado
kaa luma
. Guul la’aanta
Markaad aragto
khasaaraha, waxaa kuu fududaanaya inaad dhaqso bilowdo.
Cawaaqibka
dib u dhaca, fursadaha lumaya, guusha.
8.Samee
Nidaam Maalinle ah
Sameynta
jadwal maalinle ah oo joogto ah waxay kaa caawinaysaa inaad naftaada baro nidaam.
Tusaale:
. 5:00
subaxnimo: Toosid iyo cibaado
. 7:00: Quraac
fudud iyo jimicsi
. 8:00:
Shaqo
.12:00:
Qado iyo nasasho
. 1:00: Shaqo
kale
. 6:00:
Nasaasho iyo qoys
Jadwal maalinle
ah, nidaam joogto ah, jimicsi.
Gunaanad
Caajiska
iyo dib-u-dhaca waxaa lagaga adkaan karaa adiga oo qaadaya tallaabooyin fudud
laakiin joogto ah. Marka aad bilowdo inaad qorsheyso waqtigaaga, aad yareyso
carqaladaha, aad sameyso yoolal yar-yar, waxaad si tartiib tartiib ah u arki
doontaa isbedel weyn oo noloshaada ka dhacaya.
Hadii aad manta
bilowdo, beri waxaad dareemi doontaa horumar. Ha sugin beri, manta bilow!
Xakameynta
caajiska, waxbarashada nafta, guusha, qorsheynta waqtiga, horumar shaqo.
0 Comments